Shirka Sannadlaha ah ee Hay’adda Cilmibaarista iyo Waxbarashada (SomaliREN)
162 162 people viewed this event.
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Xiriirka iyo Horumarinta Jaamacadda Muqdisho, mudane Maxamed Cali Cumar ayaa ka qeyb galay shirka sannadlaha ah ee hay’adda Cilmibaarista iyo Waxbarashada (SomaliREN), oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nayroobi.
Shirka sannadkan waxaa diiradda lagu saaray sara-uqaadista cilmibaarista iyo waxbarashada, iyadoo laga faa’ideysanayo tiknoolajiyadda casriga ah.