Muxaadaro ku saabsan waqtiga ugu habboon ee la sameeyo qalliinka wadnaha ee caruurta
132 132 people viewed this event.
Hormuudka Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliinka Dr. Maxamed Axmed ayaa maanta muxaadaro ku saabsan ” waqtiga ugu habboon ee la sameeyo qalliinka wadnaha ee caruurta” ujeediyay dhaqaatiirta ka shaqeeysa Isbitaalka tababbarada iyo cilmibaarista ee Mogadishu Somali Türkiye Training and Research Hospital.
Dr. Maxamed Axmed, oo ku takhasusay cudurada wadnaha gaar ahaan caruurta, ayaa sidoo kale la kulmay agaasimaha Isbitaalka.