Author

Cabdalla Cumar Mansuur

Toosinta iyo Casriyaynta Haybta Shakhsiga Soomaaliyeed

Mucda Qoraalka

Si loola jaanqaado dunida maanta horumartay waxaa loo baahan yahay in qofka Soomaaliyeedi uu lahaado waxyaabo lagu aqoonsado, oo afafka shisheeye lagu yiraahdo “ID”, annaguna qoraalkan aan u adeegsannay ereyga “hayb”, iyadoo la raacayo hab midaysan, oo casriyaysan, lana ilaalinayo nidaamka diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeedba.

Haddaba waxaan halkan ku qaadaadhigaynaa haybta qofka Soomaaliyeed oo u baahan in la turxaanbixiyo waxyaabaha lagu aqoonsado, sida: magaciisa gaarka ah, ‘magacaqoys’-kiisa, taariikhda dhalashadiisa iyo degaanka uu ku dhashay.