Author

Cabdullaahi Sh. Cabdi “Gacanka”

Lafaguridda Sheekada Habeen-Eersi

Gundhig

Kani waa qoraal aan ku lafagurayno sheekada ‘Habeen-Eersi’, oo ah sheeko gaaban oo ay qortay Dayax Axmed Maxamed. Dayax waa gabar dhallinyaro ah, buugga ‘Habeen-Eersi’-na waa buuggeedii ugu horreeyay ee ay daabacdo.

Sheekadan ‘Habeen-Eersi’ waxay ku socotaa gabar qoyskoodu jeclaa, aadna loogu hanweynaa, hase yeeshee, haasaawe dhallinyarannimo uu jiitay! Ugu dambayntiina eersatay habeen, himiladeedii ka dhigay hal bacaad lagu lisay, nolosheediina u rogay silic iyo saxariir ay aakhirkii u god gashay. Sheekadani waxay xambaarsan tahay dhambaal iyo farshaxannimo mudan in la gorfeeyo.