Author

Xalwo Bulxan Cali

Guur an ka La’aado

Tixdan

Tixdan ‘guur an ka la`aado’ waxaa tiriyay abwaanad Xalwo Bulxan Cali, Febraayo 2000; wuxuuna ku saabsan yahay sifooyinka xunxun ee ay tahay in ragga leh ay gabdhuhu ka digtoonaadaan guurkooda.
Sifooyinkani waa kuwo dhantaalaya xilka iyo kaalinta aabbaha ama sayga laga sugayo.

Tixdani waxa uu daba socdaa laba gabay oo ay kala tiriyeen abwaan Aw Yuusuf-Barre, abaaro sannadkii 1922, iyo abwaan Cabdiqaadir Yamyam, sannadkii 1976. Labadan abwaan wiilasha guurdoonka ah ayay kala taliyeen gabdhaha ay tahay inay guursadaan. Abwaanad Xalwo, waxa ay dhamaystirtay dardaarankii, oo gabdhihii ayay, iyaduna, kala talisay wiilasha ay tahay inay guursadaan!

Maadaama aan la koobi karin, tilmaamaha wanaagsan, ee rag iyo dumarba; saddexda abwaan waxay doorbideen inay taxaan tilmaamaha xunxun ee ay tahay in laga digtoonaado. Dhinaca kale, saddexda
gabayba waa waano ku socota guurdoonka, wiilal iyo gabdhaba, oo looga digayo dhaliilaha guurka seejin kara.

Tixdani waa 116 meeris, waxayna abwaanaddu baraarujinaysaa 24 sifo, oo ay tahay in ragga leh ay gabdhuhu guurkooda ka fiirsadaan!